Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa wararka ay heleyso waxa ay tibaaxayaan in qaraxa dhawaan ka dhacay Muqdisho gaar ahaan Bar Koontorool oo laga gallo Tiyaatarka Qaranka Soomaaliya oo Mataxtooyada ku dhaw in uu ahaa mid ismiidaamin.
Qaraxaani oo laga maqlay badi degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa wariyaha Risaala ee Muqdisho Cali Xasan Cali oo ku dhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay inoo sheegay in uu ahaa mid ismiidaamin oo gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu isku qarxiyay halkaasi.
Waxaa goobta uu qaraxa ka dhacay laga maqlayaa dhawaqa risaas goos goos ah.
Xilligan oo kale Koontaroolka tiyaatarka Qaranka ku yaalla ee gaadiidka ay maraan ayaa ah mid saxmad badan, maadaama madaxda dowladda iyo Shaqaalaha rayidka dowladda kaliya wadadaasi ay maraan.
Khasaaraha ka dhashay qarxaani weli lama oga, wixii kasoo kordhana halkaan ayaan idiin kugu soo gudbin doonaa.


