Gudoomiye Ku xigeenka dhanka ammaanka iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka
Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax, ayaa kormeer ku tagay Degmada Heliwaa
isaga oo u kuurgalay hanaanka suggida ammaanka Degmadaasi, sidoo
kalena booqday qaar ka mid ah goobaha ganacsiga Degmada Heliwaa.
Ujeedada Kormeerka ayaa la xiriirtay hanaanka suggida ammaanka iyo
sida Bulshada reer Heliwaa ay u dareemayaan isbedelada dhanka
ammaanka, kadib markii ciidamo dheeri ah oo Boolis ah la geeyay
Degmadaasi, kuwaasi oo hawlgalo amni xaqiijin ah ka fuliya Degmada.
Goobaha uu tagay Gudoomiye Tuulax, ayaa waxa ay kala yihiin, Xaafada
Waxar cadde, Koontaroolka Maslax iyo Biyo dageenka Xaafada Suuqa
Xoolaha, isaga oo ka soo dukaameystay Suuqa Degmada Heliwaa.
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa tagay Biyo dageenka Suuqa Xoolaha,
halkaasi oo ciidamada amniga fariisimo ku leeyihiin, wuxuuna ka
dhageystay Sarakiisha warbixino la xiriira dhanka ammaanka iyo sida
ciidanka u shaqeeyaan.
Gudoomiyaha Degmada Heliwaa C/xakiin Cumar ayaa uga mahadceliyay
Gudoomiye Tuulax hanaanka wanaagsan ee Degmada Heliwaa uu u kormeerayo
isaga oo sheegay inay tahay laba todobaad kadib kormeerkiisa labaad
uu Degmada ku yimaado.
Ugu dambeyn Gudoomiye Ku xigeenka dhanka ammaanka iyo Siyaasadda
Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax, ayaa sheegay ujeedka
kormeerka inuu yahay ka warqabka Shacabka Degmada Heliwaa iyo
nabadgelyada ay hadda dareemayaan.
“Sida aan hada soo aragnay waxaan ka bilownay Xarunta Degmada illaa
Maslax ayaan tagnay, Xaafado dhawr ah ayaan soo marnay oo Degmada ka
mid ah, Waaxyaha waa ay shaqeynayaan iyo Maamulka, guri kasta layr
ayaa ku xiran oo maamulka Degmada uu shaqeynaayo, amni in la helo
waxaa ay ku xiran tahay in dadka marka hore iftiin helaan, culeyska
hadda aan soo aragnay waxaa ka mid ah in jidadka ku xun yihiin
xaafadaha qaar, sida gudoomiyaha horay uga balanay waxaan idin kala
shaqeynaynaa in jidadkaasi la furo oo geedaha xiray laga furo, dadka
aan layrarka daaran waxaan rajeynayaa inay dib u daartaan, ciidankaan
ku dhawaad 20 berri ayeey shaqeynayaan isbedel ayeey keeneen, degmo
kastana waxaan rajeynayaa in aan xoogga saari doono.” Ayuu yiri
Gudoomiye Tuulax.
![]()


