Askarta Nigeria oo weeraray Muslimiin isku soo aruuray

Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay weerar rogaal celis ah oo ay fuliyeen ciidamada ammaanka ee dalka Nigeria taasoo lagu beegsaday xubnaha ka tirsan Shiicada Muslimiinta ee dalkaasi.

Warbixin ka soo baxday warbaahinta maxaliga ah ee dalka Nigeria ayaa lagu sheegay in sidoo kale dad badani ay ku dhaawacmeen ka dib markii ciidamada amniga Nigeria ay rasaas ku fureen dadka muslimiinta ah ee ku soo qulqulaya magaalada Zuba, aagga  caasimada Abuja.

Warbaahinta ayaa sidoo kale sheegtay in lagu dilay weerarka xubno ka tirsan dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Nigeria (IMN), oo ah koox udubdhexaad u ahayd dagaal xooggan oo socday saddexdii sano ee la soo dhaafay.

IMN War kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Ciidamada Ammaanka ay si cad u laayeen dad Shacab ah oo Muslimin ah oo cibaadeysanaayay.

Dowladda waxa ay sheegtay in ay baaritano ku sameyn doonto sidda ay wax u dhaceen dadkii ka dambeeyay dilka dadkaasi Sharciga la marsiin doono.