Wiilashii laga soo xiray beerta Aadan Cadde oo la sii daayay

Muqdisho-RisaalaFM- Ciidamada ammaanka dowladda federaalka Somaliya ayaa waxa ay sii daayeen Saddex wiil oo dhalinyaro ah, kuwaasi oo 5-tii bishii September ee sanadkan laga qabtay beerta Aadan Cadde oo ku taalla Shabeellaha Hoose.

Ciidan isugu jira kuwa ammaanka dowladda ee sida gaarka ah u tababaran iyo kuwa ajaanib ah ayaa xilli habeen ah beerta ka kaxeysatay Saddexdaasi wiil ee dhalinyarada ah, kadib markii ay weerareen.

Dhalinyaradan ayaa waxaa la sheegay sababta loo weeraray inay tahay kadib markii looga shakiyay inay xiriir la lahaayeen ururka Al Shabaab, balse hay’adaha ammaanka faah faahin rasmi ah kama aanay bixin sii deynta dhalinyaradan.

C/laahi Xaaji oo ka mid ah ehelka dhalinyaradan oo la hadlay VOA-da ayaa xaqiijiyay sii deynta wiilashan, wuxuuna tilmaamay inaanay jirin dhibaato loo geystay marka laga reebo in xuriyadda laga qaaday.

“Wallaahi walaalow waxaan kuu xaqiijinayaa in wiilasha galabta la soo daayay, Alxamdulilaah wax dhibaato ah ma qabaan marka laga reebo in xuriyadda laga qaaday, waan ku faraxsannahay sii deyntooda”. ayuu yiri Ca/aali Xaaji oo ka mid ah ehelka dhalinyaradan.

Dowladda federaalka gaar ahaan ra’iisul wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa raali gelin siiyay ehelada madaxweynihii hore ee Somaliya Aadan Cabdulle Cusmaan ee beertooda la weeraray, markii ay arintan dhacday.