Chelsea oo wada hadallo Ay qanadaraaska lafuraysa Eden Hazard

Kabtanka xulka qaranka Belgium Eden Hazard ayaa tan xagaagii lasoo dhaafay lala xiriirinayay in uu isaga dhaqaaqo kooxda Chelsea.

Weeraryahankan ayaana qarin sida uu u doonayo in uu kubiiro kooxda kadhisan caasimadda Spain ee Real Madrid.

Yeelkeede, Daily Express ayaa shaaca kaqaadday in Chelsea ay wada hadallo qandaraas kordhin ah dib ula lafurayso Eden Hazard, balse waa haddii u xidigan uusan wax dalab ah kahelin kooxda Bernabeu.

Eden Hazard ayaana si aad ah u xiisaynaya kubiirista Real Madrid taas oo sida uu shaaca kaqaaday uu ku taami jiray tan iyo yaraantiisi.

Real Madrid ayaa waqtigan kudhex jirta dhibaata ka haysata dhanka gool dhalinta iyaga oo aan wax gool aj shabaqa taabsiin 4-tii kulan ee u danbaysay.