DHAGEYSO: Suldaan Beyle “heshiiska Garowe lagu gaaray waa mid saxsan”

Suldaan C/casiis Suldaan Daad Beyle oo ah Suldaanka beelaha daarood oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala ayaa sheegay heshiiska dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland ay ku gaareen Garowe in uu yahay mid la isku raacsan yahay.

Waxaana hadalka Suldaan Beyle uu jawaab unoqonayaa xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay heshiiska Garowe lagu gaaray in uu yahay mid qaldan.