Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah ayaa waxa ay la wareegeen deegaano ka tirsan degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud.
Gudoomiya degmada Ceel-buur Cabdi Xasan Maxamed Biyo Quute oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen deegaano hoostaga Galgaduud.
Waxaana uu tilmaamay in ay ciidamada sii socon doonaan oo aysan hakan doonin, halkaasi ay ka wadaan howlgallo amniga lgu xaqiijinayo.


