Chelsea ayaa ugu dambeyntii loo magacaabay tababaraha Italy Antonio Conte kasoo noqon doona tababarahooda soo socda.
Tababaraha Italy ayaa Stamford Bridge u dhaqaaqaya ka dib Euro 2016,isagoo heshiis seddex sanno ah saxiixay.
Macalinkan 46-sano jir ah ayaa yiri: “Aad ayaan ugu faraxsanahay shaqada kooxda kubada cagta Chelsea, anigu waxaan ahay Mid ku hanweyn inuu guulo ka sameeyo kooxda Bules.
“Waxaan indhaha ku hayaa inaan la kulmo qof kasta oo kooxda ka tirsan,tartanka Premier League maalinba maalinta ka dambeysa waa xiiso leh.
“Chelsea iyo kubada cagta Ingariiska waan daawaday, taageerayaasha waa kuwo dareen iyo hami leh ayuu yiri.
“Waxaan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqay haatan wax walba , Waxaan sii wadi doonaa inaan diirada saaro shaqada xulka qaranka Italy ee ka qeyb galaya Euro ayuu yiri tababaraha cusub ee Chelsea Antonio Conte. “


