mid ka mid hogaamiyaasha ugu caansan kooxda Jabhadda Nusra oo lagu magacaabo Abu Firas Alsuuri oo ahaa Afhayeenka Jabhadda Nusra ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Gobalka Idlib ee W/galbeed Syria.
Howlgalka lagu khaariyey hogaamiyaas ayaa waxaa fuliyey Diyaaradaha dagaalka ee dalka ruushka ,waxaana la sheegay xiliga la dilaayey in uu ku sugnaa goob uu kasocday shir ay laheyd kooxda Jabhadda Nusra.
Abu Firas Alsuuri waxa uu ahaan jirey Sarkaal ka tirsanaa Milliteriga Syria dabayaaqadii sannadihii 1970-aadkii, wuxuuna ka qeyb galay Dagaalkii Askartii Raashiya lagula galay Afganistan, wuxuuna ka mid noqday Gacan-yarayaashii Usaama Bin Laadin.


