Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 19 December 2017 dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xidhidoonta Garoowe iyoTaleex, taas oo dherer keedu dhan-yahay 90Km.
Dhagax dhigga waddadani ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada dawladda Puntland, Masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, nabaddoono, waxgarad iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay ka xuukuumad ahaan ka go’an-tahay in si siman degaanada Puntland loo wada gaadhsiiyo horumarka iyo mashaariicda wax ku oolka ah ee kaabayaasha dhaqaalaha.
‘’Waxaan rabnaa in degaanada Puntland ay u sinaadaan xuquuqda, horumarka iyo waajibaadkaba, waxaa laga yaabaa mashriic badan oo dalka laga hirgeliyey aan soonkan waxbadan illaa iminka laga qabanin, ka cudurdaaran mayno laakiin waxaan sheegayaa oo aan rabaa inaan halkan ka cadeeyo in waddadani ay dhismi doonto Alle idinkii Insha Alla” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.



