Naadiga Gremio ee dalka Brazil ka dhisan ayaa xaqiijisay usoo bixitaanka kama dambeesta tartanka FIFA Club World Cup kadib markii ay si dhib badan kaga talaabsadeen naadiga Pachuca ee dalka Mexico ka dhisan.
Naadiga Gemio ayaa 1-0 guusha kaga qaateen Pachuca kadib markii 30-daqiiqo dheeri ah lagu daray oo 90-kii daqiiqo la is dhaafi waayay.
Kulankan Semi Fiinalaha ahaa ee ka dhacay Al Ain ee dalka UAE wuxuu ahaa mid la isku xiiqay oo ay labadaan naadi waxba isku reebanin.
Cayaaryahan Everton ayaa gool qurux badan guusha ku siiyay naadiga Germio daqiiqadoo 95-aad waxayna kooxdan Fiinalaha tartanka naadiyada aduunka wajihi doontaa kooxaha Al Jazira Vs Real Madrid midkii habeen dambe soo gubdo



