Munaasabad lagu xusaayay 93-sano guuradii kasoo wareegtay Aas aaskii Jamhuuriyadda Turkiga ayaa Maanta lagu qabtay xarunta safaaradda Turkiga ee ku taala magaalada Muqdisho.
Munaasabada waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib , xeerilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay ka mid tahay dowladaha garabtaagan dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale Hambalyo u diray Madaxweynaha dowladda Turkiga iyo sidoo kale shacabkiisa.



