Wararka naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay kusoo waramayaan in halkaasi uu ka dilaacay cudurka Shuban biyoodka sida ay sheegeen maamulka degmada Jalalaqsi.
Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow ayaa sheegay in 5 qof ay u dhinteen Cudurka Shuban biyoodka , islamarkaana 20 Kale ay la ildaran yihiin.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in degmada aysan la heyn adeegyo Caafimaad oo dadka wax loogu qabto.
Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Maamulka Hirshabeelle ayuu ugu baaqay in ay adeegyo Caafimaad ay lasoo gaaraan dadka ku dhibaateysan degmada Jalalaqsi.


