3 Ciyaartoy Serie A ka ciyarta ayay Chelsea la soo saxiixan doonaan suuqa xagaaga

Iyadoo la tixgelinayo xayiraaddooda suuqa kala iibsiga xagaagii lasoo dhaafay, waxaa cadaalad ah in Chelsea ay ku riyaaqday xilli ciyaareed fiican xilli ciyaareedkii ugu horeysay Frank Lampard.

Tababaraha Ingariiska ayaa sifiican uga faa iidaystay kheyraadka uu heli karay isaga iyo kooxdiisa ayaana haatan ku jira boos fiican oo ay ku ciyaari karaan Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Si kastaba ha noqotee, koox leh qaab ciyaareed sidan oo kale ah waxay u baahan tahay inay u tartanto hanashada koobabka Blues si ay taas u xaqiijiso waxay u baahan tahay saxiixyo dheeri ah.

Qaab ciyaareed ka yimid ciyaartoy khibrad leh iyo dhalinyarada ayaa keentay in Chelsea ay soo fariistaan kaalinta afaraad ee Premier League.

Si kastaba ha noqotee, iyadoo ganaaxa suuqa kala iibsiga uu haatan ka dhamaaday Bules, waxay xooga saari doona saxiixyo cusub sidii ay ku heli lahaayeen suuqa xagaaga.

Waxaa la soo sheegayaa in Lampard uu heysto 200 milyan ginni oo uu ku qarash gareeyo suuqa kala iibsiga ee soo aadan, waxaana uu isha ku hayaa suuqa Serie A.

seddex ciyaaryahan oo Serie A ka ciyaarta ayaa Chelsea diirada saran suuqa xagaga, waxaana ay kala yihiin 1 Gianluigi Donnarumma #2 Jeremie Boga #3 Francesco Acerbi