Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyada ayaa Goordhaw gaaray Caasimada Imaaraaadka ee Abu dabi iyadoo Halkaasi uu kasoo dhaweeyay Sheekh Shakhbuud Ala nahyan.

Madaxweyne Hassan ayaa Casuumaad Rasmi ah ka helay Dhigiisa Imaaraaadka Mohamed bin Zayed.

Safarka Madaxweynaha oo labo maalmood qaadan doona ayaa ku qotoma xoojinta xiriirka
diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan.