Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Ukraine iyo Guriga Madaxweynaha oo Gantaal ku dhacay

In this photo provided by the Ukrainian Presidential Press Office, Ukrainian President Volodymyr Zelenskyy delivers his speech addressing the nation in Kyiv, Ukraine, Friday, Feb. 25, 2022. Russian troops bore down on Ukraine's capital Friday, with explosions and gunfire sounding in the city as the invasion of a democratic country fueled fears of wider war in Europe and triggered new international efforts — including direct sanctions on President Vladimir Putin — to make Moscow stop. (Ukrainian Presidential Press Office via AP)

Firir loo maleynayo in uu yahay mid gantaal ayaa ku soo dhacay guriga madaxweyne Zlenesky ee ku yaala Kyiv, sidaas waxaa yiri afhayeenkiisa.

Sergii Nykyforov ayaa laba masawir soo galiyay boggiisa Facebook kuwaas oo muujinaya firirka oo dhex yaala daaradda guriga madaxweynaha oo ku yaalla koonfurta Kyiv.

Afhayeenka ayaa sheegay in madaxweynuhu uu ku falciliyay kaliya “way isigtay”.

Dhanka kale Madaxada ammaanka dhinaca internet ka ee Ukraine ayaa sheegay in ay ku jiraan dagaal culus oo dhinaca internet ka ah iyo mid dhulka ah intaba.

Waxay sheegeen in ay ku jiraan dagaal joogto ah, kaas oo lagu hayo internet ka dawladda iyo shabakadaha kaabayaasha, sidoo kale internet ka bulshada rayidka ah ayaa la bartilmaameedsaday.

Ku xigeenka madaxa Adeegga Dawlada ee Xiriirada Khaaska ah Viktor Zhora ayaa sheegay in difaaciisa internet ka uu aad isaga caabinayo inta badan weerarada , laakiin dagaal aan la saadaalin Karin ayay kula jiraan Ruushka.

Group ay ciidamadu ku leeyihiin barta Telegram ayaa xubnaha ku jira hadda yihiin 270,000, laakiin wasaarada warbaahinta casriga ah ayaa sheegtay in ay mararka qaar noqonayaan xubnuha group ka 400,000 oo badankoodu yihiin burcada internet ka.