Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta waxaa uh kulan qado ah la yeelanayaa isimadii saxiixay Go’aamadii ugu dambeeyay ee ku saabsanaa xal u helida xaalada Boosaaso
Kulanka ayaa Maanta ka dhacaya Baraxadda Beerta Isticmaar ee Magaalada Boosaaso, halkaas oo ay Isimadu Qado sharaf ugu sameeynayaan Madaxwaynaha Puntland, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah isimada.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in kulanka Maanta ee Deni iyo Isimada uu wehlinayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland looga hadli doono Xaaladda Boosaaso gaar ahaan Khilaafkii PSF iyo dagaaladii dhexmaray labada dhinac.
Maalin ka hor Madaxweynaha Puntland ayaa Isimada ka dalbaday kulanka, balse shalay ay aqbaleen, waxaana kulanka Maanta uu yahay mid isha lagu wada haayo.



