Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha, ayaa safiirka Taiwan u fadhiya Somaliland ka guddoomay qaaraan lacageed oo ay kaga qeyb qaadanayaan gurmadka loogu jiro dadka abaaruhu saameeyeen.
Munaasibadda wareejinta qaaraanka lacageed oo qaddarkeedu dhan yahay $500,000(Shan Boqol oo kun oo dollar) oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa waxa goob-joog ka ahaa xubno kamid ah gugida gurmadka abaaraha iyo madaxda safaaradda Taiwan oo uu hoggaaminayo safiir Allen lou.
Madaxweyne-ku-xigeena uga mahadnaqay Taiwan tallaabada ay u muujisay shacabka Somaliland oo ay soo gaarsiiyeen deeqda lacageed ee loogu talo galay waxka qabashada abaaraha.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Taiwan ay noqotay mid si deg deg ah uga soo jawaabtay baaqii ay u jeediyeen Caalamka ee la xiriiray in loo soo gurmado Shacabka Soomaaliyeed ay abaartu saameeysay.
Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dhammaanba dalalka Caalamka ugu baaqay inay ku daydaan Taiwan, kana soo jawaabaan baaqooda ku aaddan inay gacan ka geystaan gurmadka abaarta saamaysay gobollo badan oo Somaliland ka mid ah.



