Safaaradda Mareykanka ayaa mar kale ugu baaqday Madaxda Soomaalida inay ka dhabeeyaan balanqaadkooda ahaa in doorashada Baarlamaanka lagu soo gabagabeeyo 25-ka bishan Febraayo.
“Dowladda Mareykanka waxay la xisaabtami doontaa ciddii carqaladeysa hannaanka doorashada”ayaa lagu yiri Qoraalka Twitterka ee Safaaradda Mareykank ee Muqdisho.
Warkaan kasoo baxay Dowladda Mareykanka ayaa kusoo beegmaya xilli Beesha Caalamka Maanta ay ku baaqday in la dardargeliye doorashada Xildhibaannada Golaha Sjacabka.
Heshiiskii doorashada ay Muqdisho ku gaareen Golaha wadatashiga ayaa dhigayay in 25 Bishaan la soo geba-gabeeyo doorashada Golaha Shacabka, balse kala bar kaliya la doortay.




