Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay xildhibaanada Cusub ee maanta lagu doortay Magaalada Kismaayo.
Xildhibaanadan oo kala ah, Nasro Mahdi Caraale, Saadaq Cabdullahi Cabdi, iyo Cadar xareed jibriil ayaa kamid noqonaya Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka 1aad.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xildhibaannada kula dardaarmay inay si dhab ah ugu Shaqeeyaan Shacabka ay matalaan.



