Maxay tahay sababta Maanta loo xiray qaar kamid ah Waddooyinka Muqdisho?

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa saaka xiray qaar ka mid ah Waddooyinka muhiimka u ah isku socodka dadka iyo Gadiidka ee Magaalada Muqdisho.

Waddooyinka xiran ayaa waxa ay yihiin laga soo bilaabo Isgoysyada Jubba ilaa taalada daljirka dahsoon, Ceelgaabta , Xamar Jajab ilaa Suuqa beerta .

Shacabka u socda shaqooyinkooda , waxbarashada iyo isbitaalada ayaa waxa ay yihiin kuwo lugtooda ku maraya wadDooyinka xiran.

Gaadiidka ay wataan madaxda iyo ciidamada kaliya ayaa loo ogolyahay in waddooyinka xiran ay maraan ,halka wadooyinka qaar xitaa aan la ogoleen in shacabka lug kumaraan.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Sababaha loo xiray waddooyinka ay tahay in Maanta ay jirto doorashada kuraas ka mid ah kuwa gobalada waqooyi , loomana xiri jirin markii hore waddooyinkaas ka fog halka ay doorashada ka dhacayso oo ah xerada Janaraal Kaahiye balse Maanta waddooyin horay u furnaa la xiray.

Guddiga maamulka doorashooyinka Somaliland ayaan shaacin tirada kuraasta maanta la dooranaayo iyo lambarada tirsigooda yahay intaba. .