Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Muqdisho, Garoowe & Dhuusamareeb

Guddiyada hirgelinta ee doorashooyinka, Galmudug, Puntland iyo Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa waxaa Maanta la filayaa inay doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka ku qabtaan Magaalooyinka Muqdisho, Garoowe iyo Dhuusamareeb.

Galmudug ayaa Magaalada Dhuusamareeb Maanta ku qabaneysa doorashada Afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo kala ah.

3: Hop064 oo ay hadda ku fadhiso Sahra Cumar Maalin, waxaana kursigaas ku tartami doona Maxamed Cali Cajiib & Cabdullaahi Iimaan Faarax, waxaana la sheegay in Sahra Cumar Maalin ay ka tanaasushay tartanka.

2: HOP096 oo uu ku fadhiyo Cabdi Casiis Cilmi Cali, waxaana ku tartami doona  Qaali Axmed Diiriye &  Xakiimo Xirsi Cali, kuwaas oo qaatay Shahaadada Murashaxnimada.

3: Hop248 oo uu ku fadhiyo Maxamed Axmed Abtidoon, waxaana u tartami doona Saadaq Cumar Xasan Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir iyo Cabdullaahi Xirsi Diirshe, kuwaas oo qaatay, shahaadada Murashaxnimada.

4: Kursiga HOP 089 oo uu ku fadhiyo Cabdi Shire Jaamac, balse uu sheegay in uusan u tartameyn ayaa waxaa ku tartami doona Saddex musharax oo kala ah Yaasiin Cabdi Jaamac,  Qaasim Cabdikariin Cilmiseed iyo Baar Maxamed Raage.

Dhinaca kale Puntland ayaa Maanta Magaalada Garoowe ku qabaneysa doorashada Afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo kala ah.

1: Hop128 oo uu ku fadhiyo Maxamed Cabdi Kaafi Maxamed ay ku tartami doonaan
Maxamed Cabdiraxmaan Axmed, Maxamed Faarax Cali iyo Xersi Jaamac Gaani oo ah Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubbaland.

2: Hop 223 oo uu ku fadhiyo oo uu ku fadhiyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri, waxaana u sharaxan Saciid. Maxamed Warsame

3: Hop232 oo uu hadda ku fadhiyo Cabdirashiid Daahir Gaboobe ayaa waxaa ku tartami doona Fardowso Cismaan Cigaal, Saciido Faarax Warsame iyo Cabdiqafaar Cilmi Xaange

4: Hop144 oo uu ku fadhiyo Feysal Cabdulle Guuleed, balse waxaa u sharaxan Caasha Axmed Maxamed.

Sidoo kale Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta lagu qabanayaa doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo degaan doorashadoodu tahay Gobolada Waqooyi ee Somaliland, iyada oo Guddiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi aysan shaacin kuraasta la dooranayo.