Kursiga Saddexaad ee doorashada Golaha Shacabka ee Maanta ayaa goordhow lagu doortay Magalaada Baydhabo, iyada oo qorshuhu yahay in Maanta la doorto ilaa Shan Kursi.
Kursiga Hop-176 ayaa waxaa Maanta ku tartamay Maxamed Mursal Maxamuud Boorow iyo Cabdixakiin Mustaf Ibraahim, waxaana kursiga ku guuleystay Maxamed Mursal Maxamuud Boorow oo kursigaan horay ugu fadhiyay.
Doorashada Maanta ee Kursiga HOP176 ayaa waxaa codeeynayay 100 Ergo, waxaana codadka ay u kala heleen Maxamed Mursal Maxamuud Boorow ayaa helay codad gaaraya 73-cod halka musharaxii la tartamayay ee Cabdixakiin Mustaf Ibraahim uu heley cod-26, waxaana halaabay hal Cod.
Doorashada ayaa weli ka socoda Magaalada Baydhabo, waxaana Maanta harsan doorashada laba kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.



