Shariif Maxamed Cabdalla oo markale loo doortay kursiga Golaha Shacabka

Waxaa weli Maanta Magaalada Baydhabo ee Xaeunta Gobolka Baay ka socota doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka, waxaana goordhow la doortay kursiga labaad ee doorashada Maanta.

Kursiga labaad ee HOP085 oo uu ku fadhiyay Shariif Maxamed Cabdalla ayaa waxaa ku tartamay isla Shariif Maxamed Cabdalla iyo Maxamed Xuseen Mukhtaar, balse waxaa markale Kursiga ku guuleystay Shariif Maxamed Cabdalla.

Ilaa 101 Ergo  ayaa doorashada codeeynayay, waxaana codadka ay noqdeen Shariif Maxamed Cabdalla oo helay 79 Cod halka Musharrixii la tartamayay ee Maxamed Xuseen Mukhtaar uu helay 19-cod, waxaana halaabay 3 Cod.

Doorashada ayaa weli socota, waxaana Guddiga doorashooyinka heer dowlad Gobeed ee Koonfur Galbeed Maanta ay qabanayaan doorashada Shan Kursi.