Soomaaliya & Norwey oo ka wada hadlay Amniga & xalinta khilaafaadka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaloya Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa  Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Gaarka ee Dowladda Norway u qaabbilsan Soomaaliya, Marwo Heidi Elburgi Johansen, iyaga oo ka wada hadlay adkaynta xiriirka iyo wax wada qabsiga u dhexeeya Labada Dal.

Kulanka ayaa waxaa diirradda lagu saaray sare u qaadidda iskaashiga wax-ku-oolka ah ee Soomaaliya iyo Norwey ee dhinacyada amniga iyo xallinta khilaafaadka,

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa uga mahad celiyey Dowladda Norway taageerada ay u fidiso Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wakiilka Gaarka ee Dowladda Norway u qaabbilsan Soomaaliya, Marwo Heidi Elburgi Johansen ayaa dhankeeda sheegtay in dowladda Norwey ay diyaar u tahay inay kaalinteeda ka qaadato dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Dowladda Norwey ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana mashaaeiic kala duwan ay ka fulisaa meelo kamid ah dalka Soomaaliya.