Khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay Cadakibir oo kordhay

Waxaa sii kordhaya dadka ku dhintay dagaalkii Ciidamada dowladda Soomaaliya & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ku dhexmaray degaanka Cadakibir oo kamid ah degaannada hoostaga Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada dowladda ayaa Al-Shabaab dagaal adag kula galay degaanka Cadakibir, waxaana dadka ku dhintay dagaalka kamid ah Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka oo ay kamid yihiin Taliyihii howl-galinta ee Qaybta 21aad Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Maxamed Cartan (Gasaawe)
iyo Taliyihii guutada 13aad ee Qeybta 21 Gashaanle Dhexe Cali Cagawayne , Askar iyo dad Shacab ah.

Dagaal xoogan oo ka dhacay degaanka Cadakibir ayaa Al-Shabaab la wareegeen degaankaas walow gurmad xoogan oo soo gaaray Ciidanka dowladda & kuwa Galmudug ay si awood ah kula wareegeen degaanka Cadakibir ee Gobolka Galgaduud.

Weerarada Al-Shabaab ee degaannada Galmudug ayaa kordhay bilihii la soo dhaafay, waxaaan ay aheyd maalmo ka hor markii Al-Shabaab ay weerareen degaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud in kastoo Ciidamada Booliska iyo maleeshiyaad degaanka ah ay iska difaaceen.