Deni oo Magacaabay taliye kuxigeennada Booliska Nugaal & Bari

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne kuna saabsan magacaabid taliye xigeennada qeybaha Booliska ee Gobollada Nugaal iyo Bari.

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka  Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoondooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo

Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Taliyaha Ciidanka Boliiska Puntland

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/sare Ilyaas Isxaaq Maxamuud loo magacaabay Taliye Xigeenka Qaybta Boliiska ee Gobolka Nugaal

2. Waxaa G/dhexe Khaalid Axmed Cabdiraxmaan loo magacaabay Taliye Xigeenka Qaybta Boliiska ee Gobolka Bari

3. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.