Guddoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Gudoomiye ku xigeenka gobalka ayaa maanta kulan la qaatay Hay’addaha samafalka ee ka howl’galo gobalka Hiiraan qasatan Degmadda Beladweyne.
Kulanka ayaa inta badan waxaa lagu Gorfeeyey Sidii wax looga qaban lahaa oo xal loogu heli lahaa Abaaraha xoogan ee ka jiro gobalka Hiiraan loona sameyn lahaa gargaar Bini’adanimo oo la taaban karo.
Guddoomiyaha Gobolka hiiraan Cali Jeyste Cismaan ayaa Carabka ku adkeeyey in hay’adaha aay si dhab Ah gargaar ugu fidiyaan Dadka Aay sameeyen abaaraha ee ku soo Barakacay Gudaha magaalada Baladweyne iyo Deeganada ku Teedsan .
Gudoomiye Cali Jeyte Cismaan ayaa Xusay in hadii hay’adaha ay gargaar sameeynayaan ay shacabka u fidiyaan wax la taaban karo oo Aas-aas u ah Nolosha.
Sidoo kale Gudoomiyaha gobalka Hiiraan ayaa Baaq u diray madaxda sare ee Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xireenka Maamulka Hirshabelle iyo madaxda Dowlada Fadaraalka soomaaliya in qorsho dhab ah iyo gargaar loo Fidiyo Shacabka aay Abaaraha saameyen.



