Prof. Cabdi Ismaacil Samatar oo loo doortay Aqalka Sare

Kursiga Saddexaad ee Golaha Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ayaa waxaa goordhow lagu doortay teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

Kursigaan ayaa waxaa wareega 1aad ku tartamay Prof. Maxamed Maxamuud Allabari,  Prof. Cabdi Ismaacil Samatar iyo Cabdiraxmaan Cismaan Cali, waxaana wareega 1aad ku haray Cabdiraxmaan Cismaan Cali

Wareega labaad ee doorashada ayaa waxaa ku tartamay Prof. Maxamed Maxamuud Allabari,  Prof. Cabdi Ismaacil Samatar iyo, waxaana kursiga kusoo baxay Prof. Cabdi Ismaacil Samatar.

Prof. Cabdi Ismaacil Samatar ayaa waxaa uu helay 25 cod halka 21 Cod uu helay musharixii la tartanayay ee Maxamed Maxamuud Allabari.

Goordhow ayaa waxaa la guda galayaa doorashada khrsiga Afaraad ee Aqalka Sare, waxaana ku tartami doona  Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe iyo  Cabdikariim Maxamed Xasan.