RW Rooble oo guddoomiyay shirka tiirka Arrimaha Bulshada

Ra’iisul Wasaaraha Xuluumadda xilgaarsiinta  Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka tiirka Arrimaha Bulshada.

Shirka ayaa looga hadlay mashaariicda lagu horumarinayo arrimaha bulshada, iyadoo lagu soo bandhigay qorshaha la tacaalidda isbeddelka cimilada iyo dhismaha xarunta Qaran ee gurmadka deg degga ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu waday kulamo isdaba-jooga ah, waxaana shalau uu guddoomiyay Shirka Tiirka Dhaqaalaha Dalka.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Rooble uu guddoomiyo shirarka tubaha kala duwan ee Xukuumaddiisa, iyada oo uu weli jiro khilaafka Farmaajo iyo Rooble.