Ciidamo Boolis ah oo loo tababaray sugida Amniga doorashooyinka

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Maanta Magalada Bosaaso Klku soo xiray Tababarka Sugidda Amniga Doorashada ee loo qabtay Ciidamo ka tirsan Booliska Gobalka Bari.

Taliye Xuseen ayaa oo ku dheeraaday Muhiimada ay leedahay Sugida Amniga Doorashada isagoona kula dardaarmay Ciidamadaan in ay ka ku dhaqmaan casharadii ay qaateen labadii Bari ee lasoo dhaafay.

Horay ayaa waxaa Magaalada Madaxda Dowlad Goboleedyada tababar loogu qabtay Ciidamo Boolis ah oo ka qeyb qaadanaya sugida amniha Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal.