Maamulka Magaalada Marka & AMISOM oo ka wada hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

Guddoomiyaha Maamulka Magalada Marka Cabdullaahi Cali Axmed Waafow ahha Gudoomiyaha gudiga Amniga Gobolka Shabellaha hoose ayaa Maanta kulan la qaatey Taliyaasha ugu sareeya Ciidanka Amisom ee ka howlgalla Gobolka Shabeellaha Hoose.

Kulankan oo ka dhacay Xerada Ciidamada (UPDF) ayaa Gudoomiye Waafow waxaa si gaar ah ula qaatey taliyeyaaaha Ciidamada AMISOM ee Magaalada Marka  degaannada Nambar Konton iyo Ceeljaale, kuwaas oo kasoo laabtay safar ay ugu maqnaayeen dalka Uganda.

Gudoomiyaha Magaalada Marka ayaa  Saraakiisha Ciidamada AMISOM kala hadley xaaladda Amniga guud ee gobolka shebellaha Hoose oo mararka qaar ay ka dhacaan dagaalo u dhaxeeyo Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Magaalada Marka Col Peter Angufibo Garr ayaa sheegey in muhiimad gaar ah u leedahay wadashaqeynta Gudoomiyaha kala dhexeyso, isla markaana ay siwadajir ah u wada sugi doonaan Amniga.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha Magaalada Marka Cabdullqahi Cali Axmed Waafow ayaa CiidankaAMISOM la wadaagay  in muhiim tahay wadashaqeyn dhexmarta isaga iyo Taliyaasha ugu sareeya Ciidanka AMISOM loo loo dar dargeliyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Kulan dhawaan Magaalada Marka ku dhexmaray Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo guddoomiyaja degmada waxaa lagu go’aamiyay in la qaado howlgal ka dhan ah Al-Shabaab., kuwaas oo ku sugan degaano hoostaga Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.