Midowga Musharaxiinta oo ka hadlay Kiiska Ikraan Tahliil iyo Saddex qodob oo ay soo saareen

Midowga Musharaxiinta ayaa ka dalbaday Ra’iisul Wasaare Rooble inuu qaado saddex tallaab oo ku saabsan kiiska dilkii Ikraan Tahliil.

1- in is bedel degdeg ah lagu sameeyo hoggaanka sare ee hey’adda Nabadsugida, si loo soo celiyo kalsoonida shacabka.

2- in loo saaro guddi caalami ah oo madax bannaan si looga gungaaro xaqiiqda kiiskan

3- in hey’adda loo magacaabo hoggaan kalsoonida shacabka hanan kara