Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya Ciidamo la magac baxay Badbaadada Gobalka Hiiraan ayaa goordhow la wareegay magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan qeybo ka mid ah.
Ciidanka qabsaday magaalada ayaa waxaa hogaaminaya Sarkaal lagu magacaabo Cabdullaahi Barre oo dhawaan laga qaaday xil uu ka haayay Milateriga Soomaaliya qeybta 27-aad iyo Nuur Dheere oo isagana dhawaan laga qaaday xilka guddoomiye kuxigeenka Sh Dhexe.
Ciidankaan ayaa la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay waddeen dhaqdhaqaaq ciidan oo ka dhan ah maamulka Hirshabeelle
Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka Ciidamadaan ayaa diidan in Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe uu tago Beladweyne.



