Madaxweynaha Koonfur Afrika oo ku dhawaaqay isku shaandheyn weyn ka dib maalmo rabshad socdeen

South Africa's new president Cyril Ramaphosa (R) holds up his right hand as he is sworn into office by South Africa's Chief Justice Mogoeng Mogoeng (L) after being elected by the Members of Parliament at the Parliament in Cape Town, on February 15, 2018.South African lawmakers elected wealthy former businessman Cyril Ramaphosa on February 15, 2018 as the country's new president after scandal-tainted Jacob Zuma resigned under pressure from his own ANC ruling party. Ramaphosa was elected without a vote after being the only candidate nominated in the parliament in Cape Town, chief justice Mogoeng Mogoeng told assembled lawmakers. / AFP PHOTO / POOL / Rodger BOSCH

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa sameeyay isku shaandheyn weyn oo gole wasiirro ah oo aan ku koobnayn kaliya goobaha amniga laakiin sidoo kale dhaqaalaha iyo caafimaadka kadib maalmo rabshado ah bishii hore oo ay ku dhinteen in ka badan 350 qof.

Khudbad uu telefishinka ka jeediyay Khamiistii, ayuu Ramaphosa ku sheegay in uu baabi’inayo wasaaradda amniga isla markaana uu “mas’uuliyadda siyaasadeed” ka saarey hay’adda sirdoonka xafiiskiisa.

“Tani waa si loo hubiyo in sirdoonka gudaha iyo dibedda ee dalku si wax ku ool ah ugu suurtagelinayo madaxweynaha inuu guto waajibaadkiisa ku aaddan ilaalinta amniga iyo hufnaanta qaranka,” ayuu yiri.

Isku shaandheynta ayaa isugu jirtay magacaabista 10 wasiir oo cusub iyo 11 wasiir ku xigeen.

Waxay timid wixii Ramaphosa ku tilmaamay “olole abaabulan oo rabshado dadweyne, burbur iyo kharbudaad” kaas oo qarxay ka dib markii madaxweynihii isaga ka horreeyay, madaxweynihii hore Jacob Zuma, la xiray 15 bilood kadib markii uu iska indho tiray baaritaanka garsoorka ee musuqmaasuqa intii uu xafiiska joogay.

Kumanaan meheradood ayaa la bililiqaystay oo la burburiyey dhawr maalmood, taas oo dawladda ku qasabtay in la geeyo 25,000 oo askari si ay gacan uga geystaan ​​soo celinta kala dambaynta.