Maxay ka wada hadleen Cali Guudlaawe & Ambassador Mohamed Bomba?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Calli Gudlaawe Xuseen ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxa Xafiiska Ururka Iskaashiga Islaamka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Ambassador Mohamed Bomba Mohamed ayaa ka wada hadlay xaaladaha guud ee Hirshabeelle iyo sidii Ururka Iskaashiga Islaamka uu u sii dardar gelin lahaa howlaha uu haatan ka wado dalka gaar ahaan shaqooyinka uu ka hayo Hir-Shabeelle.

Sidoo kale kulankaan ayaa looga hadlay fulinta mashaariicyo muhiim u ah bulshada oo isugu jira qodista Ceelal biyoodyo, hirgalinta Iskuulo waxbarasho iyo sidii kaalin ay uga qaadan lahaayeen xal u helida fatahaadaha wabiga Shabeelle ee kusoo noq noqday deegaanada Hirshabeelle.