Shil geystay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Somaliland

Shilkaan oo ah mid gaari, isla markaana geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay deegaanka lafaruug oo ka tirsan degmada Mandheera ee gobolka Saaxil ee degaannada Somaliland..

Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday Gaari nooca raaxada ah oo ku wajahnaa Magaalada berbera kadib markii uu wadada ka baxay,, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Isuduwe kuxigeenka  horumarinta Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Saaxil Cabdiladiif ayaa sheegay in Gaariga ay saarnaayeen Afar qof oo uu geeriyooday mid kamid ah oo ahaa Darawalka Gaariga halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka shilka ku dhaawacmay la geeyay Isbitaalka Magaalada Berbera si loogu daawo dhaawacooda.

Ciidamo ka  tirsan kuwa ilaalada wadooyinka ee Somaliland iyo dadweynaha ku nool degaanka lafaruug ayaa gurmad u sameeyay dadka ku dhaawacmay shilka Gaari, kuwaas oo la geeyay Isbitaal si loogu daaweeyo.

Taliska Ciidamada Mabadgelyada Wadooyinka ee Somaliland ayaa goor siihoreysay sheegay in waayadii dambe degaannada Somaliland ay kusoo bateen shilalka Gaari, isla markaana kuwii ugu badnaa ay dhaceen Sanadkii la soo dhaafay ee 2020.