Waxaa goordhow Xerada Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho ka bilaabatay munaasabadda lagu so xeriyo shirkii madasha wadatashiga laguna saxiixayo heshiiska dooorashada oo ay wada gaareen Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Shanta dowlad Goboleed & GuddoomiyahaGobolka Banaadir.
Munaasabadda ayaa waxgoobjoog ka ah Mas’uuliyiinta heshiiska doorashada gaaray, Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Guddoomiyeyaasha labada Aqal, qaar kamid ah xubnaha Midowga Musharixiinta, Wakiilo ka socda Ururada Bulshada rayidka iyo Beesha Caalamka.
Goordhow ayaa waxaa bilaban doona khudbadaha madaxda ka qeyb galeysa munaasabada, iyada oo uu furi doono Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaasriinta Maxamed Xuseen Roooble.



