Dowladda Sacuudiga ayaa soo saartay Go’aano ay uga mamncuuceyso muwaadiniinteeda inay u socdaalaan 13 wadan oo ay Soomaaliya kamid tahay sababo la xiriira cudurka safmareenka ah ee COVID-19.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa looga digay muwaadiniintooda inay u safraan dalal ay kujirto Soomaaliya, kuwaas oo kala ah, Siiriya, Libya, lubnaan, Soomaliya, Turkiga, Yemen, Iiraan, Belarus, , Armenia, Hidniya, Jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Congo iyo Afghanistan.
Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa sheegtay in Muwaadiniinta Sacuudiga aysan ka tegin dalkaas ogolaansho la’aan, duulimad toos ah iyo mid aan toos aheyn intaba si baritaan Caafimaad ay u maraan dadka baxaya.
Dhinaca kale waxaa weli taagan Go’aankii horay dowladda Sacuudiga uga soo baxay ee ahaa in muddo 14 maalmood ah la karantiilayo dadka ka imaanaya 20 dal oo Soomaaliya iyo mareykanka kujiraan si loo hubiyo Caafimaadkiisa.
Dowladda Sacuudiga ayaa Bishii Febaraayo ee sanadkan 2021 waxaa ay soo saartay Go’aan ah in muwaadiniinteeda aysan tegi Karin 20 dal oo ay Soomaliya kujirto, waxaana Go’aanka Maanta kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Sacuudiga uu yahay mid lagu xoojinayo Go’aankii hore.



