Axmed Karaash oo qaabilay Wakiilka Hay’adda IOM ee Soomaaliya

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Maamulkaas Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Madaxa Hay’adda socdaalka adduunka (IOM) ee Soomaaliya Richard Danziger.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Saraakiil Madaxtooyo, waxaa looga hadlay dar-dargelinta ka hortagga tahriibta iyo caawimaada qaxootiga kasoo tallaaba xuduudaha Puntland.

Madaxweyne ku-Xigeenka Puntland, ayaa Hay’adda IOM uga mahadceliyay doorka lixaadka leh ee ay marwalba ka qaadato kobcinta iyo tayeynta Hay’adaha dowliga ah ee Puntland.