Xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta ayaa caawa shir kula keh Hotelka Decale Wafdigii ka socday dalka Qatar
Wafdiggaan ayaa waxaa hoggaaminayay Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani.
Kulankaan ayaa looga hadlay xaaladda doorashooyinka dalka iyo sidoo kale si loo dejin lahaa khilaafka ka dhashay Arimaha doorashooyinka.
Wafdiggaan ayaa maanta la kulmay Ra,iisul wasaare Rooble, Madaxweynaha iyo Gudoonka labada Aqal.



