Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ahna Madaxweynihi hore mudane Sheekh Shariif Sheekh Ahmed oo wakiil ka ah xubnaha Midowga Musharrixiinta uuna wehliyo Musharrax Mustafa Dhuxulow ayaa kulan gaar ah la qaatay Ra’isal wasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Wasiir dowlaha Wasaaradda Cadaaladda ahna Xoghayaha guud ee Xisbiga Himilo Qaran Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed (Gama’diid).
Shirka u socda Midowga Musharrixiinta iyo RW Rooble ayaa Warbaahinta lala wadaagi doonaa waxyaabaha ka soo baxa wuxuuna daba socdaa warqaddii ayidaadda aheyd ee maanta uu Midowga Musharrixiinta ku taageeray in RW la wareego maamulka doorashada iyo amniga.
Kulankaan ayaa lagu waddaa in sidoo kale looga wadahadalo qodobo ku saabsan sidii loo sii wadi lahaa kulamada Rooble .