Taliyaha Booliska G/Banaadir oo sheegay in uu joojiyay Kulankii Golaha Shacabka

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan ayaa sheegay in ay joojiyeen Kulankii loo balansanaa ee Maanta ee Golaha Shacabka, kaas oo ajandihiisu ahaa ka doodista mooshin la xiriira doorashooyinka.

Taliye Saadaq oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in sababaha kulanka ay u joojiyeen ay tahay in aysan dhicin wax la boobayo, iyo in mudo kororsi la sameeyo balse waxkasta lagu dhameeyo in la gaaro isfaham siyaasadeed.

Waxa uu si cad u sheegay in xilligan aysan u cuntamin in Golaha Shacbaka oo uu u dhaartay in  uu amnigooda ilaliyo in uu dilo ama uu dhibaateeyo, waxaana uu Xildhibaannad uu  ugu baaqay inay degaannadii laga soo doortay dib ugu laabtaan si ay doorasho uga soo galaan.

“Baarlamaanka soomaaliya waxaan leeyahay 4 sano ayaa joogteen 4tii sano waa idinka soo dhamaatay waa la idin soo doortay Doorasho dib ugu Laabta”
Adigo lagu soo doortay haku fikirin inaa wax boobto ayuu yiri” Taliye Saadaq Joon.

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Amniga Gobolka Banaadir uu mas’uul ka yahay mucaarad iyo muxaafid intaba muhiimna ay tahay in qof walba oo Soomaali ah uu si amni ah ku joogo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayuu ugu baaqay in uu Qaato Doorkiisa Hoggaaminta Wadanka dibna loogu laabto Miiska Wadahadalka.

Go’aanka uu qaatay Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan  ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Maanta aad loo hadal hayay in Xildhibaannada Golaha Shacbaka ay muddo kororsi u sameeyaan Madaxweynaha uu mudo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.