Dowladda Soomaaliya oo saxiixday heshiis tallaalkii labaad lagu keenayo dalka

Safiirka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha  Danjire Cawaale Cali Kulane, oo ,  ayaa la saxiixday hishiis talaalka looga hortago cudurka COVID-19  shirkadda Sinopharm ee dalka Shiinaha.

Talaalkan looga  hortagayo Karoonaha  ayaa waxa uu gaaraya 200 kun oo talaal oo dhawaan la keeni  doono dalka Soomaaliya

Danjire Cawaale Cali Kulane ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in talaalkan ay dowladda aan saaxiibada nahay ee Shiinaha ay dalkeena ugu deeqday.

Safiirka ayaa uga mahadnaqay dowladda shiinaha sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isagoo si gaarana uga mahadceliyay talaalka ay Soomaaliya ugu deeqeen.