SAWIRO:-Somaliland oo Wafdi u dirtay degaano uu ka dhacay Gadood Ciidan

Magaalada laas-caanood  Gobolka Sool waxaa Maanta gaaray wafdi uu hoggaminayay Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo uu wehelinayo Taliyaha Guud ee Ciidanka Somaliland, Sareeye gaas Nuux Ismaacil Taani, hoggaamo & saraakiil kale.

Wafdiga ayaa waxaa degaanka Tukarq kusoo dhaweeyay Taliyaha Aaga Bari ee Ciidanka Somaliland sarreeye guuto Cali Barre Xuseen, iyaga oo salaan ka qaatay Cutubyo ka tirsan ciidanka Somaliland ee ku sugan laascaanood, kuwaas oo qaarkood dhawaan gadood sameeyay.

Wasiirka Gaashaandhigga Somailand iyo Saraakiisha la socotay ayaa waxaa ay warbixino la xiriira amniga dhageysteen Saraakiisha Ciidamada e ku sugan Magaalada laas-Caanood, iyaga oo sidoo kale kormeeray Xerooyinka iyo furmaha ay ku sugan yihiin Ciidamada.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in wafdi uu hoggaminayay Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye inay booqasho ku tagaan jiida ugu horeysa ee Ciidanka Somaliland ee Tukaraq iyo Jiidaha kale ee Gobolada Barriga Somaliland.