IGAD oo War kasoo saaray xaalada dalka & rabshadihii dhacay

Urur goboleedka IGAD ayaa Cambaareeyay Shaqaaqooyinkii ka dhacay Muqdisho iyo xasaradaha Siyaasadeed ee soo kordhaya, kuwaas oo la xiriira arrimaha doorashooyinka dalka.

Qoraal kasoo baxay Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa lagu sheegay in ay aad uga xun yihiin rabshadihii ka dhacay magaalada muqdisho, isla markaana ay cambaareeynayaan.

Sidoo kale dalalka  IGAD ayaa waxaa ay sheegeen iney sii wadi doonaan sidii dhinacyada siyaasadeed iyo saamileyda ay uga wada hadli lahaayeen xaalada ka taagan ee dalka.

Warkaan kasoo baxay Urur goboleedka IGAD ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli aan weli heshiis laga gaarin Arrimaha doorashooyinka dalka, taasi oo sababtay in uu gacan ka hadal dhex-maro Ciidamo kala taabacsan musharixiinta mucaaradka iyo dowladda Soomaaliya.