Ciidamada Haramcad oo sameeyay howlgallo dad lagu soo qabqabtay

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Haram-cad ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka waxay ka sameeyeen degmadda Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo degaano hoostaga.

Howlgalka ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay, waxaana saraakiisha hoggaamineysay ay sheegeen in lagu soo qabtay dad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin  Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Haram-cad oo la hadlay Idaacada Ciidamada ayaa sheegay in Howlgalka laga fuliyay xafaadaha iyo tuulooyinka hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Haram-cad ayaa sidoo kale waxaa ay ka qyeb qataan  sugida amniga wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho & degmada Afgooye, halkaas oo Injineero & Shaqaalo turki ah ay dhismo ka wadaan.