Dowladda Soomaaliya & Beesha Caalamka oo ka shiray dagaalka Al-Shabaab

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa shir gudoomiyay Shir looga hadlayay  Howlgalada Ciidanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Xaaladda kala guurka ah.

Kulanka oo ay goob joog ka  ahaayeen dhammaan  Dowladaha Soomaaliya ka taageera dib-u-dhiska Ciidanka iyo Amisom ,ayuu Wasiirka Difaaca  ka sheegay in Ciidanka Xoogga dalka ay wadaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Sidoo kale Dowladda Federaalka ayuu sheegay in meel wanaagsan uu u marayo diyaar garowga Qorshaha kala Guurka Ee Ciidamada Amisom iyo  Ciidanka XDS ,

Ciidamadda qalabka Sidana  ay ku jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyay Sidii amniga guud ee dalka ay ula wareegi lahaayeen, dhanka kale xubnihii kulanka  ka qeybgalay ayaa sheegay in DFS ay ku garabsiinayaan Dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ,waxaana ay ku ammaaneen sida ay ugu Go’antahay Dowladda  Dib-u-dhiska Ciidanka  xoogga dalka.