Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa galabta galinkii danbe kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaraha Caasimadda Galmudug ee Ugaas Nuur Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay
Socdaalka Madaxweynaha JFS mudane Farmaajo ayaa la xiriira qabsoomida shirkii u dhawaan ku baaqay ee dhexmari doona Madaxda DFS iyo DX ah, shirkaas oo ay marti gelineyso Dowladda iyo shacabka Galmudug.
Waxaa maanta gaaray Dhuusamareeb Madaxda maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed iyo Ra’iisul wasaare Rooble waxaana berri tagi doona Madaxda Jubbaland iyo Puntland.



