Midowga Musharaxiinta iyo beesha Caalamka oo kulan yeeshay

Saaxiibbada beesha caalamka ayaa la kulmay Midowga Musharrixiinta Madaxtinimo ee mucaaradka ah ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay marxaladihii ugu dambeeyey ee siyaasadda iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Midowga Musharaxiinta waxaa matalayay Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed.

Kulankaan ayaa yimid xilli Midowga Musharaxiinta ay walaac xoog leh ka muujiyeen guddiga dootashooyinka.

Dhanka kale kulan khadka Internet-ka ah oo maanta dhexmaray diblomaasiyiin iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ‘Madoobe,’ ayey saaxiibbada caalamku waxa ay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda wada hadalku uu leeyahay iyagoo isla soo qaaday xaaladihii siyaasadeed ee ugu dambeeyay ee Soomaaliya.